Saddex qof ayaa ku geeriyootay, 30 kalena wey ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay Xafiiska Guddoomiyaha Degmadda Aadana ee Koonfurta dalkaasi.
Telefishinada ayaa baahiyey Muuqaaladda uuro madow oo cirka isku shareertay iyo gaari ku ololayey barxadda gaadiidka la dhigto ee Dhismaha Xafiiska Guddoomiyaha Degmadda Aadana oo ka kooban 6 dabaq.
Degmadda uu qaraxu ka dhacay waxay 16 KM u jirta Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Injirlik oo ay Milliteriga Maraykanka u adeegsadaan weeraradda k dhanka ah Kooxda Daacishta ku sugan dalka Syria.
Weerarkaasi ayaa dhcay dhowr isbuuc kadib, markii ay Dowladda Maraykanka ka digtay inay Kooxaha Xag-jirka qorsheynayaan qaraxyo ay ka geystaan Turkiga.
Qoysaska Milliteriga Maraykanka ayaa horey loogu maray inay isaga baxaan Degmadda Adana iyo qeybo kale oo ka tirsan Turkiga sababo dhinaca ammaanka.
©Radio Dalsan