Faah faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya Qarax Xalay Muqdisho ka dhacay si weyn jugtiisa looga maqlay qaybo badan oo Caasimadda ka mid ah, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay eel aga helayo Qaraxa Xalay ka dhacay Caasimadda.
Qaraxa oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa si gaar ah uga dhacay Afafka hore ee Maqaayad ku taalla degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, waxaana xiligaasi gudaha Maqaayadda ku sugnaa dhalinyaro ka daawanayay cayaarta finalka Qaramada Yurub, oo xalay lagu soo gabagabeeyay Caasimadda Jarmalka ee Barlin.
Khasaare dhimasho iyo burbur aad u xooggan ayaa ka dhashay Qaraxa, waxaana Booliska Soomaaliya ay sheegeen in ugu yaraan 5 qof ay ku dhinteen 20 kalana ku dhaawacmeen.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Qaraxa baaxaddiisu ay ahayd mid aad u ballaaran, waxaana burbur aad u xooggan uu gaaray gaadiid badan oo yaallay bannaanka maqaayadda Top Coffee oo ah halka uu qaraxu ka dhacay.
Sida ay tilmaamayaan wararka qaraxa ayaa waxaa sababay gaari ay ku jiraan waxyaabaha qarxa.
Maqaayadda oo ku taalla meel u dhow xarunta Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, MasΓ’β¬β’uuliyiinta dawladda ayaan weli si rasmi ah uga hadlin weerarkan iyo khasaaraha ka dhashay.