Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ah Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, ayaa si kulul uga soo hor-jeestay Tallaabadda ay Dowladaha Midowga Europe ku shaaciyeen inay Hawlgalka AMISOM ugu deeqeen lacag ku-dhow 200-million oo Dollar.
Nabadoonka oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay inay Tallaabadaasi tahay mid xadgudub weyn ku ah Xuquuqda ay mudan yihiin Ciiddanka Qaranka Somalia, wuxuuna carrabka ku adkeeyey inay Odayaasha Dhaqanka si wadajir ah u cambaaraynayaan Tallaabadaasi.
“Waa arrin laga xumaado inay EU-da lacag mushaar ugu yaboobaan Askarta AMISOM ee dhufeysyadda iyo Dhagaxda ku hoos jira,, iyadoo ay Askarta Soomaalida u dhimanayaan Gaajo iyo Dhiig-bax†ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xasan Xaad.
Hadalkiisa ayaa yimid, kadib, markii ay Midowga Europe taageero Dhaqaale oo dhan 199.6 million oo Dollar ugu deeqeen Ururka Midowga Afrika, oo loogu talagalay in Askarta AMISOM looga dhigo Mushaaraadkii ka maqnaa 9-kii bilood ee la soo dhaafay.
Saraakiisha Milliteriga Soomaalida ayaa iyagana cambaareeyey Taageeradda Dhaqaale ee ay Midowga Europe siiyeen Askarta AMISOM oo keliya, wuxuuna ugu baaqay Beesha Caalamka inay joojiyaan Taageeradda Halka Dhinac ah ee ay siiyaan Hawlgalka AMISOM.
Si kastaba ha ahaatee, Askarta AMISOM ayaa la sheegay inay inta badan waqtigooda ku lumiyaan inay sidii Caruurta oo kale ku ciyaaraan Play Game Station.
Halkaan ka Dhegeyso:
©Radio Dalsan