Waxgaradka, Aqoonyahanadda iyo Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Absuge Wacaysle Abgaal ayaa mar kale ka digay Saxiix iyo Ergo Been Abuur ah si loo boobo Kursiga Beesha ku leedahay Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda. Mahad Xasan Maxamuud oo ka mid ah Waxgaradka Beesha Absuge Wacaysle oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay inaysan oggolaan doonin in la boobo Kursiga Beesha, wuxuuna ka digay cawaaqib-xumo ka dhalata. Waxa uu tilmaamay in Agaasime-ku-xigeenka Madaxtooyadda, Saadaq Macallim C/kariim, Ganacsade Yaasiin Dhagool, Ganacsade Ismaaciil Wardheere iyo Cali Sheekh Maxamuud oo la dhashay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka dambeeyaan falalka Been Abuurka ee ay doonayaan inay ku boobaan Kursiga Beesha Absuge Wacaysle. “Madaxweynaha isagaa saxiixay Qoondada Haweenka, haddana isagaa diidayo Qoondada Jufadiisa ee Kursiga Haweenka†ayuu yiri Mahad Xasan Maxamuud. Si kastaba ha ahaatee, Waxgaradka, Aqoonyahanadda iyo Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Absuge Wacaysle Abgaal waxay mar kale ka digayaan arrintaasi, waxayna ku baaqeen in la dhowro Saami-qeybsiga uu Suldaanka Guud ee Beesha Wacaysle, Suldaan Maxamed Cabdi Shido soo saaray bishii September 17-dii ee sannadkan ee lagu qeexay Saami-qeybsiga Jufooyinka Beesha Wacaysle ee Labada Aqal ee Barlamaanka Federalka ee soo socda. Halkan ka dhegeyso Warbixinta: Halkan ka akhriso Qoraalka Suldaanka Beesha Wacaysle ee qeybsiga Kuraasta Barlamaanka.  ©Radio Dalsan