Sida aynu Warbixinteenna shalay ee Arrimaha La-yaabka aan ku soo qaadanay Haweeney u dhalatay dalka Hindiya ayaa waxay da’da 70 jir ku dhashay ilmaheeda koowaad.
Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Daljinder Kaur waxay bishii hore ee April dhashay Wiil, kadib, markii dadaal xooggan loo geliyo sidii ay ilmo u dhali lahayd.
Haweeneydaasi iyo ninkeeda oo lagu magacaabo Mohinder Singh Gill oo 79 jir ah waxay is-qabeen muddo 46 sanno, waxaana muddadaasi dheer ka luntay Rajo ay ilmo ku dhali kareen, balse waxay haatan noqdeen Qoys Faraxsan oo uu Rabbi ka dhex abuuray Ubad.
Lammaanahaasi waxay heleen wehel, oo ay ku faraxsan yihiin, sida laga dheehan karo Sawiradda Hoose:
Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska
©Radio Dalsan