Dacwad-oogayaasha Federalka ee magaalladda Minneapolis ee dalka Maraykanka waxay berrito mar kale dib u dhegeysan doonaan mid ka mid ah Kiisaska ugu weyn ee Argagixisadda.
Saddex Dhallinyaro Somali oo lagu kala magacaabo  C/raxmaan Daa’uud oo 22-jir ah, Maxamed Faraax oo 22-jir ah iyo Guuleed Cumar oo 21-jir ah ayaa la soo taagayaa Maxkamadda, kuwaasi oo ku eedeysan inay ku biiri lahaayeen Kooxda Daacishta ee ka dagaalanta Syria iyo Iraq iyo inay doonayeen inay dilal geystaan.
Eedeysanayaashaasi waxay ka mid yihiin 10 Eedeysane oo ay FBI-da ku hayeen baaritaano, kuwaasi oo ay ku jiraan kuwo la waayey ku-dhawaad toban sanno, oo la rumeysan yahay inay ku biireen Alshabaab.
Markhaatiga Dowladda ee dacwada berrito la soo taagayo saddexda Eedeysane ayaa ah C/raxmaan Bashiir oo 20-jir ah, kaasi oo ka qeyb galay shirar ay Eedeysanayaasha ku qorsheynayeen inay ku biiraan Kooxda Daacish.
Markhaatiga waxa uu bilowgii sannadkii hore waxa uu bixiyey Xog, kadib, markii ay Eedeysanayaasha been u sheegay Garsoorka iyo Barayaasha FBI-da
Si kastaba ha ahaatee, Eedeysanayaasha ayaa la filayaa inay berrito ka hor qirtaan Maxkamadda inay ku biiri lahaayeen Kooxda Daacish, taasi oo ay kaga badbaadayaan in lagu xukumo Xabsi muddo dheer ah.
©Radio Dalsan