Wararka ka imaanaya magaalada Wardheer, oo ah xarunta gobolka Doollo ee dowlad-deegaanka Soomaali Galbeed, ayaa sheegaya in halkaas lagu laayay dad rayid ah oo aan waxba galabsan, taas oo si weyn uga naxdin gelisay bulshada degaanka. Falkan foosha xun ayaa ka dhacay masjid ku yaalla magaalada Wardheer, halkaas oo xalay lagu dilay lix dhalinyaro ah oo xer u ahaa masjidka kana mid ahaa ardayda wax ku baranaysay goobta Masjidka.
Sida laga soo xigtay dadka degaanka, dilkaas wadareedka ayaa la aaminsan yahay inuu salka ku hayo aanooyin qabiil oo kasoo bilaawday colaad beeleed horay uga dhacday degmada Wardheer iyo deegaanno kale oo hoos yimaada gobolka Doollo. Colaaddaas ayaa soo jiitamaysay muddo, iyadoo marar kala duwan ay dad badan ku naf waayeen.
Dadka degaanku waxay tilmaameen in dhalinyaradan la dilay ay ahaayeen kuwo aan wax lug ah ku lahayn isqabqabsiga beelaha, balse waxaa loo bartilmaameedsaday si aargoosi ah, taasoo sii xoojisay walaaca laga qabo in colaadda qabiil ay sii fiddo. Masjidka lagu weeraray ayaa ahaa meel ay dhalinyaradu ku cibaadeystaan, taasoo ka dhigan in falkan uu yahay mid aad u foolxun.
Laamaha amniga ee dowlad-degaanka Soomaalida ayaa weli ku raadjooga dableydii ka dambeysay weerarka, kuwaas oo goobta ka baxsaday kadib markii ay falkooda fuliyeen. Inkastoo ciidanka ammaanku ay bilaabeen hawlgallo lagu baadi-goobayo dambiilayaasha, haddana weli lama soo sheegin cid la soo qabtay.
Dadka degaanku waxay ka cabsi qabaan in haddii tallaabo degdeg ah aan laga qaadin arrintan, ay ka dhalan karto xiisad sii hurisa colaadihii hore uga taagnaa deegaannadaas.
Xaaladda Wardheer ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana dadka degaanka ka muuqata cabsi iyo welwel xooggan oo ku saabsan in dagaallo beeleedyo kale ay dib uga qarxaan gobolka Doollo.