Dhalinyaradaan loogu Magac darey Xoogaga wadaniyiinta ayaa waxaa soo diyaariyey Maamulka Gobolka Banaadir,waxana laamaha kala duwan ee Hay’adaha amniga ay kala Shaqeyn doonaan howlaha Deriseynta iyo xasilinta Caasimadda.
Madaxweynaha  Soomaaliya ayaa maanta soo xiray munaasabada xiritaanka ololaha Xoogaga wadaniyiinta Gobolka Banaadir kuwaas oo ka qeyb qadanayo barnaamijyada wacyigalinta iyo xasilinta Caasimadda iyadoo lagu qabtay dugsiga Tababarka ee Janeraal Kaahiye.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Farmaajo) ayaa uga mahadceliyay maamulka gobolka Banaadir doorka uu ka geestay in ololahaani lagu guulesto islamarkaana uu soo gaaro heerkan,
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowlada dhiira-galin doonto qorsha kaste oo lagu xoojinaayo qaranimada iyo horumarinta wadajirka umada Soomaaliyeed si looga guulesto sharwadayaasha inoo diidan inaan hormarno oo aan la tartan asaageena.
Sikastaba dowladda Soomaaliya aya haatan waxa ay xooga saareysaa amniga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,iyada oo lagu wareejiyey Ciidamo Millateri ah,isla markaana la xareeyey Ciidamadii xasilinta.