Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhalinyaro xalay aano Qabiil loogu dilay qaybo ka mid ah Gobolka Galgaduud ee Baartamaha Soomaaliya.
Wararka naga soo gaaray degaan lagu magacaabo googooye oo hoos yimaado Magaalada Dhuusamareeb, ayaa waxaa ay ku warramayaan in xalay degaankaasi lagu dilay afar dhalinyaro dadka degaanka ahaa.
Dilkaasi loo gaystay afartaasi dhalinyarada ayaa ahaa mid salka ku haya aano qabiil sida wararku tilmamayaan.
Gobolka Galgaduud gaar ahaan degaanada Hoos-yimaada magaalada Caasimadda ah ee dhuusamareeb waxaa dhawaanahaan ka dhacayay dilal la xariiira aanooyin qabiil.