Dowladda Soomaaliya oo Dib usoo Celisay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka Badbaaday Dooni Qalibantay
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah dalka dib ugu soo celisay dhalinyaro Soomaaliyeed oo dhawaan ka badbaaday dooni kula qalibantay biyaha u dhow jasiiradda Madagaskar.
Tahriibayaashan ka badbaaday musiibadii badda ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, iyagoo ku labisan calanka Soomaaliya, taasoo muujisay in dalkoodu u garab taagan yahay.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, oo ay ka mid ahayd Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed, Safiya Xasan Maxamed, ayaa ka qayb galay soo dhaweynta dhalinyarada. Iyadoo dareen murugo leh ka hadlaysay, ayay tiri “Walaahi waa xanuun iyo dareen murugo leh in caruurtaada aad dhashay ay ku geeriyoodaan badda inta ay safar halis ah ku jiraan.”
Dhalinyaradan ayaa ka mid ahaa rakaabkii dooni kula qalibantay biyaha Madagaskar, halkaas oo 20 dhalinyaro kale oo Soomaaliyeed ay ku nafwaayeen. Dowladda Soomaaliya, oo kaashatay dowladda Madagaskar, ayaa isku howshay in lasoo badbaadiyo kuwa ka haray musiibadaas.
Soo celinta dhalinyaradan ayaa mar kale iftiimisay halista tahriibka sharci darrada ah iyo dhibaatada ay dhalinyarada Soomaaliyeed kala kulmaan safarada halista badan ee badda. Dowladda Soomaaliya ayaa ku celisay baaqeeda ku aaddan in dhalinyaradu iska ilaaliyaan safarada halis galinta noloshooda.