Dhakhaatiir ku sugan magaalada Laas Caanood ee gobolka Sool ayaa BBC-da u sheegay in ay dhibaatooyin kala kulmayaan fulinta shaqooyinkooda sababo la xiriira dagaalka halkaas ka socda oo galay maalintii saddexaad.
Tirada gawaarida gurmadka degdegga ah ee Ambalaasta ayaa aad ugu yar magaalada oo laga soo tebiyay khasaare badan.
“Ambalaasyadu waa shan oo keliya – kuma filna xaaladda taagan,” ayuu BBC-da yiri Dr Cabdi Majiid oo ka howl gala Isbitaalka Manhal ee magaalada Laas Caanood.
“Waxaan la tacaalnay qof oo dhaawac ah hal qofna wuu dhintay maanta, kani waah al isbitaal, waad qiyaasi kartaa xaaladda ka jirta isbitaallada kale ee Somaliland. Waxaan fileynaa in ay tiradu kor u kacdo,†ayuu yiri Dr Majiid.
Dagaalka Laas Caanood ayaa u dhaxeeya militeriga Somaliland iyo maleeshiyo kasoo jeedda deegaanka oo la sheegay in ay doonayaan sidii ay dib ula midoobi lahaayeen Soomaaliya.