Dhakhaatiir u dhalatay dalka Syria oo loo soo diray Somalia, si ay baaritaano ugu sameeyaan maydadka la garan la’ yahay.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhakhaatiirta Takhasusiga ee Cilmiga baaritaanadda iyo Aqoonsiga Maydadka ee dalka Syria, Dr. Zaahir Xamdu Xajow ayaa sheegay inay Somalia u xusheen inay Dhakaatiir u kala direen Somalia, si ay tababar ugu qaataan Baaritaanka iyo Aqoonsiga Maydadka dadka Soomaalida ee la aqoonsan la’ yahay.
Dr. Zaahir Xamdu Xajow oo Wareysi siiyey Shabakadda Wararka Al-wadan Online ee dalka Syria waxa uu tilmaamay inay Dhakhaatiir Tababar u kala direen dalalka Somalia, Qubrus iyo Jarmalka, kuwaasi oo tababar ku qaadan doono baritaanka Hiddo-sidaha ee maydadka.
Waxa uu intaasi ku daray inay Somalia u xusheen sababo la xiriirta iyadoo laga helayo tirada ugu ballaaran ee maydadka aan weli la aqoonsanin, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay taasi tahay fursad lagu baranayo qaabka loo aqoonsan lahaa maydadkaasi.
Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo ay Dhakhaatiir badan oo u dhashay dalka Syria ay ku sugan yihiin gudaha dalka Somalia, kuwaasi oo ka hawlgala Isbitaalladda Takhasusiga ee magaalladda magaalladda Muqdisho iyo Isbitaalladda kale ee ku kala yaalla Goballadda dalka Somalia.