Ballanqaadkaasi ayaa lagu dhawaaqay, kadib, markii ay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Nabiil Alcarabi iyo Madaxda Dowladda Masar kulamo gaar ah la yeesheen Wafdi ay hoggaminaysay Wasiiradda Caafimadka ee Xukuumadda Federalka Somalia, Drs.Xaawo Xasan Maxamed.
Kulanka ay la qaadatay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Nabiil Alcarabi ayaa waxa la sheegay inay Ururka Jaamacadda Carabta qabanqaabin doonaan Shirweyne ay dowladaha Carabta Kaalmooyin ugu yaboohi doonaan Hawlaha Adeegyadda Caafimaadka Somalia.
Nabiil Alcarabi, waxa kaloo uu tilmaamay in Somalia loo soo diri doono Dhakhaatiir Carbeed oo ka hawlgala Isbitaalladda ku yaalla gudaha dalka Somalia, si ay gacan uga geystaan Adeeyadda Caafimaadka ee ay u baahan yihiin Bukaanadda jiifa Isbitaalldda.
Dhinaca kale, Kulanka ay Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federalka la yeelatay dhigeeda dalka Masar, Dr. Caadil Alcadwi ayaa waxaa la isku af-gartay inay Dowladda Masar ka hirgelin doonto magaalladda Muqdisho Wershad soo saarta Daawooyinka iyo Qalabka Caafimaadka.
Xigasho: www.misrday.com