Siyaasiga Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) marna soo noqday guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Wasiirka Dib u heshiisiinta Maamulka Hir-Shabeelle ayaa si kulul waxa uu uga hadlay dagaalada ka soo cusbnooday deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.
Yuusuf Dabageed,oo Wareysi siiyey Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegay in xiiasadaha colaadeed iyo dagaalada marwalba ka dhaca Gobolka Hiiraan ay masuul ka yihiin Siyaasiyiin,Ganacsato iyo Odayaasha dhaqanka,isla markaana ay hurinayaan.
“Maleeshiyaadka dagaalka ma wadi karaan ee waala hurinayaa,siyaasiyiin,Odayaal iyo Ganacsato ayaa dhaqaalo ku bixinaya,runtii waa nasiibdarro maalin lala xisaatamo ayaa imaan doonto ayuu uiri siyaasi Yuusuf Dabageed.
Deegaano hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacay dagaal beeleedyo sababay dhimasho iyo dhaawac,waxana socda waan waan lagu xalinaayo dagaaladaas.
Hoos Ka Dhageyso Codka Siyaasiga Yuusuf Dabageed.
Cod Siyaasiga Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed Dagaalada Kasoo Cusboonaaday Gobolka Hiiraan