Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in dhawaan lagu dhawaaqi doono Xisbi Siyaasadeed uu hoggaamin doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Waxa uu sheegay in Xisbigaas uu noqon doono Xisbiga xisbiyada,isla markaana ka qeyb qaata doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan Sanadka 2020,hayeeshee muhiim ay tahay in xisbiyada kale ay la tartamaan.
Sikaftan ah ayuu u yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).
“Xisbiayda qaar ayaa ka dhawaajiyey in xukuumadda looga fadhiyo in ay xisbi dhistaan laakin waxaan soo wadnaa xisbi weyn uu hoggaamin doono hoggaamiye daacada ah oo dadku wada jecel yihiin ee farmaajo,waxan u sheegaya xisbiyada kale in uusan barqo cad wada uga tegine ee ha iska jiraan ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka.
Si kastaba dalka ayaa waxaa haatan ka jira dhowr Xisbi Siyaasadeed oo si KMG ah loo diiwaangeliyey,kuwaas oo ay madax ka yihiin Xildhibaano iyo Siyaasiyiin qaarkood ka mid ah mucaaradka dowladda.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.