Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay bilaabeen dadaal ay u galayaan xalinta dagaal beeleedyo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe,dagaaladaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Deegaano hoostaga degmada Warshekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayay dagaal beeleedyadaas ka dhaceen,waxana dhawaan socdaal ku tegay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle,si ay usoo afjaraan dagaal beeleedyadaas.
Mid ka mid ah Xildhibaanadaas oo la hadlay Warbaahinta Dalsan ayaa sheegay in ay bilaabeen qorsho la xiriira dib u heshiisiin ah,isla markaana ay u saareen guddi soo baara waxyaabihii ka dhashay dagaal beeleedyadaas.
Hoos Ka Dhageyso Codka Mid ka mid ah Xildhibaanada Hir-Shabeelle.