Qaar ka mid ah xildhibaanada dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxa ay ka dalbadeen madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug in ay si deg deg ah u horkeenaan heshiiskii dalka Jabuuti ay ku kala saxiixdeen Ahlusunna iyo Galmudug.
Xildhibaanada waxa ay sheegeen in ay muhiim tahay in heshiiskaas oo ka koobnaa 14 qodob uu noqdo sharciga ugu horeeya ee lahor-keeno baarlamaanka Maamulka Galmudug si ay u meel mariyaan ama u diidaan.
Khilaafka madaxda ugu sareysa Galmudug ee kala degan Magaalooyinka Cadaado iyo dhuusamareeb ayaa salka ku haya heshiiskaas iyo isku-darkii Xildhibaanada labada Maamul ee Galmudug iyo Ahlusunna oo ay diidan yihiin madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlaamanka.
Hadalkaan ayaa Xildhibaanadu waxa ay sheegeen kadib kulan ay ku yeesheen Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Hoos Ka Dhageyso Codadka Xildhibaanada Galmudug.