Weli waxa hakad ku jira isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee  Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan,halkaas oo Maanta lagu dilay Darawal Mooto Bajaajle ah.
Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Baladweyne ayaa ka dambeeyey dilka Darawalka,iyada oo banaanbax cabasho ah ay dhigeen qaar ka mid ah Darawalada Mooto bajaajka.
Darawalada ayaa waxa ay Maamulka gobolka Hiiraan iyo taliska Booliska Baladweyne waxa ay ka dalbadeen in cadaalada lahor-keeno askarigii ka dambeeyey dilka Darawalka mooto bajaajta oo lagu Magacaabi jiray Yaasiin Cali Saney.
Qaar ka mid ah Darawalada ayaa waxa ay sheegeen in Maamulka uu ku soo rogay Mootadiiba inay Bishii bixiyaan $15 taasina ay ka soo horjeedaan taas oo sababtay in Maanta askari ka tirsan Ciidamada Booliska uu dilo mid ka mid ah Darawalada mooto Bajaajta.
Wariyeyaal ku sugan Baladweyne ayaa Radio Dalsan waxa ay u sheegeen in isku-socodka dadka iyo Gaadiid ay hakad ku jiraan,isla markaana in inta badan goobaha Ganacsiga Magalada ay xiran yihiin.
Hoos Ka Dhageyso Codka qaar ka mid ah dadka Banaanbaxa dhigay.