Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka hadlay arrimo la xiriira sharci ahaanshaha Jaamacahada ka Shaqeeya dalka
Waxaa uu sheegay Wasiirka in aysan jirin jaamacad ay aqoonsan yihiin islamarkaana sheegay in dowlada ay u diiwaan gashneyn jaamacadaha marka laga reebo inay dowlada ka heystaan ruqsado ay dalka ugu howlgalaan.
Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo wax lag weeydiiyey jaamacadda Ummada oo dowladda Soomaaliya ay dib u hwolgelisay,ayuu sheegay in ay la mid tahay Jaamacahda kale ee xilligaan dalka ka howlgalla ee aan buuxin shuruuudihii loo baahnaa.
Inka badan  70 jaamacadood oo magacyo kala duwan leh ayaa ka hwolgalla  dalka Soomaaliya kuwaasi oo qaarkood laga aqoonsan yahay Caalamka,waxaana ardayda jaamacadaha qaar ka baxa ay waxbarshada heerka labaad u aadan dalka dibadiisa.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.