Wasiirka Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo dowladdaha hoose ee Maamulka Puntland C/llaahi Cali Xirsi Timo-cadde oo saakay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilikii Wasiirnimo.
Sababta uu isku Casilay Wasiirkii Arrimaha gudaha iyo dowladdaha hoose ee Puntland ayaa waxa uu ku sheegay inay tahay sababo u gaar ah isaga.
Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in Warqad is casilaada uu u gudbiyay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo sanadkii 2017-kii u magacaabay xilka Wasiirnimo.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Eng Timo-cadde Saacadaha soo socda uu Magalada Garoowe kaga dhawaaqi doono in uu yahay Musharaxa Doorashada Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo bisha soo socota la filayo inay ka dhacy Garoowe.
Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu wadaa inay dhacdo 8 bisha 1-aad ee sanadka 2019.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka is casilay.