Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdi Casiis Cali Ibraahim Xildhibaan oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in Dharka ciidanka, Daawoyin iyo raashin intaba lagu iibiyo suuqyada Muqdisho ay baaritaano ku hayaan.
Waxa uu sheegay in laamaha amniga ay iminka wadaan baaritaano ku aadan dadka ka Ganacsada Dharka iyo waxyaabaha kale ee Ciidamada dowladdu leeyihiin.
Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in cid alaala ciddii aragtaa ay la soo wadaagaan laamaha amniga Soomaaliya si wax looga qabto,waxa uuna sheegay in dadkii lagu arkaa iyaga oo ka Ganacsanaya dharka ciidanka tallaabo laga qaadi doono.
Afhayeenku masheegin cid ilaa iyo hadda ay ku tuhmayaan in ay ku lug leedahay ka Ganacsiga Dharka ciidanka oo mararka qaar la arko,iyada oo ay wataan dad aan ka tirsaneyn ciidanka Dowladda Soomaaliya.
Hadalka Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdi Casiis Cali Ibraahim Xildhibaan ayaa ku soo aadaya xili ay soo baxayeen warar sheegayay in ay jiraan dad ka Ganacsada Dharka Ciidanka Dowladda wallow Wasaaradda Amnigu asyan weli cadeyn rasmi ah ka soo saarin.
Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya.