Iyada oo Maanta ay ku beegan tahay 26-ka June oo ku aadan markii Gobolada Waqooyi ay ka xuroobeen Gumeystihii Ingiriiska ayaa waxaa Munaasabado lagu xusayey lagu qabtay Muqdisho iyo Gobolada dalka Soomaaliya.
Maanta ayaana waxaa bilaawday Maalmaha Todobaadka xuriyada.iyada oo sidoo kale 1-da Luulyo loo dabaag degi doono markii Gobolada Koonfureed ay ka xuroobeen gumeystihii Talyaaniga,isla markaana ay midoobeen labada Gobo l ee Koonfur iyo Waqooyi.
Hadaba Radio Dalsan ayaa Warbixin ka diyaariyey taxanaha Taariikhda laga soo bilaabo markii Xurnimada la qaatay Sanadkii 1960-kii.
Warbixinta ayaa waxaa soo jeedinaya Wariyayaasha kala ah Axmed Xuseen Cadow iyo Maxamed Cabdi xasan(Iidle).