Wabiga Shabeelle ayaa waxa uu fataad ku sameeyey deegaano iyo tuulooyin hoos yimaada Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ,iyadoo uu sababay khasaaro maal.
Waxaa la sheegay in fatahaada Wabiga uu khasaaro xoog leh gaarsiiyay dadkii daganaa deegaanada uu fatahaada ku sameeyay wabiga ,iyagoo dadka qaarkood sheegeen in dalagii beerahooda uu saameeyey.
Qof ka mid ah Dadka Deegaanka oo la hadlay Dalsan ayaa waxaa uu sheegay in biyo xoogleh uu hadda wado Wabiga Shabeelle,isla markaana  ay ka barakaceyn guryihii ay daganaayeen,sidoo kalena Barakac hor leh hadda ay sameynayaa dadkii yaraa oo ku haray deegaanada uu ka fatahay  wabiga
Degaanada laga barakacay waxaa ka mid ah Farbarako, Busle, Buulo faarax cubeeyd, Damaleey, Buulo fatma dhuxul , kuwaasoo hoos yimaada degmada balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ugu dambeyn waxa uu baaq u diray  Maamulka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, Dowlada Federaalka Soomaaliya,Hay’adaha Sama falka ah iyo kan Maamulka Hirshabeelle.
Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad aad u daran waxa uu ka sameeyey bilihii la soo dhaafay  Deeganada uu maro ee Gobolada Hiiraan ,Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelada Hoose,waxaana khasaaro ay ka soo gaartay fatahaada Wabiga dadka danta yar ee ku nool deegaanadaasi.
Hoos Ka Dhageyso Qof ka mid ah dadka deegaanada uu ka fatahay Wabiga oo ay wareysatay Wariyaheena Farxiyo Muraad.