Taliyihii Nisa ee Dowladda Soomaaliya u Magacaawday Jubbaland kadibna laga soo celiyey Magalada Kismaayo Cali Mire Ducaale ayaa faah faahin ka bixiyey safarkisii Kismaayo ee sababay in la soo celiyo.
Wareysi uu siiyey Warbaahinta Dalsan ayaa waxa uu marka hore ku sheegay in markii uu ka degay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo la geeyey xero Ciidan oo ku taalla Kismaayo,daqiiqado kadibna la geeyey mid ka mid ah Hoteelada,sidaasina uu habeenkaas ku hoyday Kismaayo.
Isaga iyo taliye kuxigeenkiisa ayuu sheegay in Garoonka diyaaradaha Kismaayo lagu soo celiyey,isla markaana la soo saarey diyaarad markaasi Garoonka ku sugneyd dibna ugu soo celisay Magalada Muqdisho.
Boorsooyin Dhar ay ku jireen iyo dukumintiyo markii ay ka dageen Garoonka Kismaayo looga qaaday ayuu sheegay in ay  ka maqan yihiin,isaga oo ka gaabsaday in uu kusii dheeraado waxyaabihii sababay in laga soo celiyo Magalada Kismaayo.
Waxaa la weeydiiyey Su’aal aheyd maadaama laga soo celiyey Kismaayo waxa uu ka qaban karo deegaanada Jubbaland oo loogu Magacaabay in uu noqdo Taliyaha Ciidamada NISA.
“Runtii Jubbaland kaliya maahan hal magaalo ma ahan laakin kolba meeshii dowladdu ii garato masaalaxada dalka iyo dadka ay ku jirto xataa geed hoostiisa hadey tahay waan tegayaa laakin aniga meeshaas ayaan tegayaa kuma lihi,balse waxaa naga Go’aan Shaqo ayuu yiri Taliye Cali Mire Ducaale.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Maalmaha soo socda uu shaqadiisa in uu ka bilaabo meelo ka mid ah deegaanada Jubbaland wallow uusan sirasmi  ah u sheegin halka uu ku wajahan yahay.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Taliye Cali Mire Ducaale oo dhameystiran.