Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa Warbaahinta kula hadlay taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland,isaga oo ka jawaabay Shaqa joojin uu ku sameeyay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey.
Cabdi Qaadir Shire Faarax (Ereg) ayaa marka hore Warbaahinta horteeda ka akhriyay wareegtadii uu Madaxweyne ku xigeenka puntland uu Shaqada uga joojiyay,iyo dadkii la ogey siinayay.
Waxa uu sheegay in arintan ay la xiriirto Kiis uu weeydiiyay Madaxweyne ku xigeenka kaas oo ku saabsanaa in aan wax ka ogahay 12 arday oo dhawaan laga siidaayay Xabsiga,
“Wax maka ogtahay kiiskaas dadkaasi xabsiga looga siidaayay ayuu igu yiri ana haa ayaan ugu jawaabay, kadib waxa uu ii sheegay in aan Shaqada s KMG, ah aan uga joojiyo  taliyaha qeybta Booliiska,balse aniga taas aan ka dalabay in warqad qoraal ah uu ii keeno,anaa taasi kuma deg degi Karin in aan Shaqada ka joojiyo qof Shaqadiisa wata ayuu yiri taliye Eregâ€
Sidoo kale waxa uu sheegay in durbadiida loo keenay Waraqad isaga ku socoto oo ah in Shaqa joojin lagu sameeyay.
Waxa uu sidoo kale sheegay in uu Madaxweyne ku xigeenku uu u soo diray Warqad ay ku qorneyd in 21 Bishaan in Sareeyo guute Muxudiin Axmed  Muuse uu Saldhiga ku soo xiray Wiilal tiradoodu dhan tahay 13 kuwaas oo lagu eedeeyay Burcadnimo, balse aan loo heyn wax cadeyn ah.
Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Ereg