Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay Howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Daynuunaay oo ka tirsan gobolka Baay, halkaasi oo ay fariin  ku leeyihiin Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya,kadib markii ay weerar ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.
Intii uu howgalka socday ayaa waxaa dhacay dagaalka xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,inkastoo labada dhinac ay guulo ka sheegteen dagaalka.
Gaashaanle sare Ismaaciil Khaliif Shire oo ah Abaanduulaha qeybta 60-aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada dowlada ay iska caabiyeen weerarkii al shabaab ay ku soo qaadeen,isla markaana guulo ka sheegtay dagaalka.
Xaalada deegaanka Daynuunaay oo ka tirsan gobolka Baay ayaa haatan degan kadib markii halkaasi maanta uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.
Hoos ka dhageyso codka Abaanduulaha qeybta 60-aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya