Wafdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magalada Washinton ee dalka Mareykanka waxa ay uga qeyb galeen shir looga hadlayay halista kooxda Daacish oo ka mid ah kooxaha ka dagaalama Soomaaliya  iyo sida lagaga hortagi karo.
Shirkaas ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibada Mareykanka,waxaana Soomaaliya shirkaaasi u metelayay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cabduqaadir Axmed Kheyr.
Inta uu shirka socday ayaa waxaa looga hadlay sidii looga hortegi lahaa Kooxda Daacish oo dalal badan o Carabta ah ka dagaalanta iyo sidii looxoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah ee ka socda meelaha badan oo Soomaaliya ka mid tahay.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cabduqaadir Axmed Kheyr ayaa sheegay in shirkaasi uu ahaa mid lagu dardargelinayo sidii dagaalka ka dhanka ah Daacish loo sii laba jibari lahaa si aysan ugu fidin dalal kale oo Caalamka ka mid ah waa sida uu hadalka u dhigay.
Kooxda Daacish ayaa waxaa ay ka mid tahay Kooxaha kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya,waxaana inta badan ay ka howlgashaa Deegaanada Bari ee Puntland iyo Magalada Muqdisho.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cabduqaadir Axmed Kheyr.