Ciidamadan oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa Saraakiisha hoggaamineysa waxa ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Ciidamada Puntland balse ay ka soo goosteen.
Waxaa Ciidamadaas ay ka yimaadeen deegaan lagu Magacaabo god-Qaboobe oo ka tirsan  Gobolka Sool,halkaas oo uu geeyey Maamulka Puntland oo dagaal kula jira Soomaaliland.
Mid ka mid ah saraakiisha Ciidamaas hoggaamineysa ayaa sheegay in markii hore ay ahaayeen kuwo la qalday,isla markaana haatan ay ku soo biireen dadkooda waa sida uu hadalka u dhigay.
Abaanduulaha  qeybta todobaad ee Ciidamada Soomaaliland Gashaanle Dhexe Ibraahim Ashkir ayaa sheegay in ay Ciidamadaas ay ka mid ahaayeen ciidamadii Puntland dagaalka u diyaarisay,isla markaana mar hore ay doonayeen inay dhankooda ku soo biiraan balse ay cadaadis kala kulmeen Saraakiisha Ciidamada Puntland.
Ciidamadaas horay uga mid ahaa kuwa Puntland una goostay dhanka Soomaaliland ayaa tiro ahaan waxaa lagu sheegay 50 Askari iyo Gaadiid dagaal oo ay wataan,waxana Saraakiisha Ciidamada Soomaaliland ay sheegeen in xilligaan wixii ka dambeeya ay ka mid yihiin Ciidamadooda.
Hoos Ka Dhageyso Codadka soo bandhigida Ciidamada.