Dhowr mar ayaa waxaa dhacay wadahadalo dhex maray Wakiilo ka kala socday Dowladihii ka horeeyey dowladda hadda jirta  iyo Maamulka soomaaliland,kuwaas oo aan ka soo bixin wax natiijo ah,waxana sidoo kale dhawaan DFS iyo Soomaaliland ay shaaciyeen in markale la wada hadli doonaan.
Hadaba su’aalaha la’isweeydiinayo ayaa ahaa waxa hortaagan in markale dib u bilaawdaan wadahadaladaas,waxana ka jawaabay Maamulka Soomaaliland,iyaga oo soo bandhigay qodobo hakiyey in la wada hadlo.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliland liibaan Yuusuf Gaaxnuug ayaa sheegay in mar walba Soomaaliland ay diyaar u tahay in la wada hadlo,isla markaana lagu kala baxo waxayabaha keenay khilaafka faraha badan.
Waxa uu sheegay in sababaha ugu weyn ee suurtagal ka dhigu waayey in wadahadaladaas ay dib u bilaawdaan ay qeyb ka tahay ,xadgadub loo geystay oo uu ku sheegay in ay tahay in Dowladda Soomaaliya amartay in la joojiyo habka deeqaha Caalamka u siiyo Soomaalialnd.
Marka laga soo tago hadalka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliland iyo hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in wadahadaladii dib loo soo celin doono weli ma muuqato qorsho ay ku furmi karaan wadahadaladas.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliland.