Dowladda Soomaaliya ayaa xalay warqad ay soo saartay waxa ay ku amartay in Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom uu dalka isaga baxo,isaga oo aan looga baahneyn in uu ka Shaqeeyo.
Shacbaka ku nool Gobolkan Banaadir ayaa aragtidooda waxa ay ka dhiibteen Go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom.
Qaar ka mid ah Shacabka Magalada Muqdisho oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay intooda badan soo dhaweeyeen Go’aanka Dowladda Soomaaliya.
Waxa ay sheegeen in Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya uu faragelin ku sameeyay Arrimaha Gudaha Soomaaliya,isla markaana Go’aanka dowladda Soomaaliya ay qaadatay uu yahay mid wanaagsan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Qaar ka mid ah Shacbaka Muqdisho.