Soomaalida ku nool dalka Sacuudi Carabiya ayaa waxa ay xilligaan walaac ka muujinayaan Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalkaas oo joojisay bixinta Baasabboorka Soomaaliya.
Aqoon yahan Dr Xasan Xeyle oo ka mid ah Soomaalida ku dhaqan dalkaas ayaa Wareysi siiyey Radio Dalsan  ayaa sheegay in Sacuudiga ay ka waayeen Baasaboorka soomaaliga,isla markaana taasi ay saameyn ku yeelatay Soomaalida sharciga leh ee ku nool dalkaas.
Waxa uu sheegay in qof walba ee Soomaali ah ee doonaya in uu sharciga cusbooneysiisto in uu dhibaato u marayo helista baasaboorka,isla markaana ay jiraan dadka qaarkood oo mudo Shan Bilood ka hor dalbaday,welina aysan helin.
Waxaa aan weey diinay su’aal aheyd waxa sababay ayuu sheegay in ay la xiriireen masuuliyiinta Safaarada Soomaaliya ku leedahay Sacuudiga ay u sheegayaan in Garoonka Diyaaradaha Muqdisho uga xayiran yihiin balse dowladda Soomaaliya ay ka caga jiideyso in ay xaliso sida uu hadalka u dhigay.
Arrintaan ayaa ku soo aadeysa xilli maalmahaan uu jiro khilaaf ku saabsan arrimaah xajka kaas oo uu xilkiisii ku waayey Wasiirkii Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Aqoonyahan Dr Xasan Xeyle.