Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa afah faahin ka bixiyey muuhimada uu Shacabka Soomaaliyeed u leeyahay ku biiritaanka ay ku biirtay dowladda Soomaaliya Suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA).
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in xubinnimmada Soomaaliya ee COMESA ay ka qeyb gaadaneyso dib u dhiska dhaqaalaha, horumarinta dalka, maal-gashiga, shaqo abuurka, dhismaha wadooyinka iyo warshadaha, iyo horumarinta adeegyada bulshada oo dhan.
“Ku biiritaanka COMESA waa qeyb kamid ah shaqooyinka ugu waaweyn ee hadafyada dawladdu ay leedahay oo ah dib ula fal-gelidda hey’adaha noo sahlaya in aan dib u dhisno dhaqaalaheenna. Waxa ay cadaynesyaa horumarka iyo tillaabooyinka mugga leh ee dalkeennu sameynayo in naloo ogolaado Suuq ay ka ganacsadasaan in ka badan konton milyan dad tiradoodu gaareyso†ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.
“Waxa aan aad ugu hambalyaynayaa dadka Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada oo arintaani ay fursad siineyso. Marka ay ganacsatadu fursad helaan waxaa fursad helaya dalkaan sababta oo ah qof waliba oo ganacsada ah oo bilaaba ganacsi waxa uu shaqaalaysiinayaa dad Soomaaliyeed waxa uu bixinayaa canshuur, canshuurtaas waxaa lagu daboolayaa adeegyada ay u baahantahay bulshaduâ€, ayuu hadalkiisa raaciyay Ra’iisul Wasaare Khayre.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.