Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo weli ku sugan deegaanada Puntland oo uu socdaal ku marayo ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Warar sheegayay in booqashadiisii Puntland uu hareeyey khilaaf siyaasadeed.
Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha in ay jiraan kuwo cadeysay in ay xumaan kaliya raadiyaan,isla markaana ay noqdeen kuwo fashilmay sida uu hadalka u dhigay.
“Runtii waxaa jira kuwa mar walba raadiya Xumaanta,kuwaas waxaan leeyahay waad fashilanteen,waxaan leenahay reer Puntland iyo hooyada federaalkuba waxa ay noo soo dhaweeyeen sidii aan mudneyn,hadii intii aan joognay ay jirtay cid wel weshay,waxana leeyahay qalbigaaga qaboojiso oo raali ahaaw ayuu yiri kheyre.
Gaba gabadii waxa uu sheegay in ay jiraan dad ka walwalsan Ra’iisul Wasaaruhu muxuu la noqon doonaa?balse uu u sheegayo in uu Puntland ka dareemay faraxad,isla markaana ay fuushay mas’uuliyada Weyn oo ay ku dhaliyeen Shacabka reer Puntland.
Si kastaba hadalkaan ayaa imaanaya xilli uu jirey khilaaf soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda Puntland taas oo ka dambeysay ka dib markii Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ka baaqsaday Munaasabadii dhagax-dhiga ee Dekada Deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.