Maxamed Cabdi Yuusuf oo mar Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya soo noqday xilligii dowladdii Madaxweynaha Soomaaliya uu ka noqday Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa aad u dhaliilay Siyaasada Dowladda ay hoggaamiyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare kheyre.
Waxa uu sheegay Maxamed Cabdi Yuusuf in hadda dalka loo diiwangeliyey in ku dhow 30 xisbi taasina ay tahay mid qalad ah,isla markaana loo baahan yahay in dalka loo diiwaangeliyo kaliya Saddex Xisbi.
“Waa  in Dastuurka dalka laga bedelo lagana dhigo Saddex Xisbi kaliya balse hadii la yiraahdo waa free,bilaash in qof walba uu xisbi diiwaangashanayo ayna noqonayaan kuwo isku-baheysta jufo hoosaadyo qabiil ah oo aan waxba qabaneyn.
Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in dalka haatan u muuqan mid aan suurtagal aheyn in  ay ka dacdo doorasho qof iyo cod ah isagana uu cadeynayo in dalka ay ka jirin dowlad dadka mideyn karta,isla markaana gaarsiin karta doorashada qof iyo cod.
Marka laga soo tago hadalka ka soo baxay Maxamed Cabdi Yuusuf oo mar Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya ka soo noqday xilligii Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa hadana Madaxda ugu sareysa dalka waxa ay balan qaadayaan in Sanada 2020 ay dalka ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.
Audio Player