Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa ka jawaabay dhaliilo laga muujinayey heshiiskii ay wada saxiixdeen somaaliya iyo Itoobiya ee 4 dekadooda ku maalgashaneyso Itoobiya.
Ra’iisul Wasaraha oo weli ku sugan dalka Norwey ayaa sheegay in ay jiraan dad wax walba siyaasadeya oo baraha bulshada ku soo qora,isaga oo tusaale u soo qaatay dhaliilaha laga muujiyey heshiiskii Itoobiya iyo Somalia.
“Waxaa jira dad ka soo horjeeda dowladnimada oo weliba  Facebook wax ku siyaasadeeya,dadkana xumaan uga dhiga,heshiiskii itoobiya iyo Somalia ee lagu gaaray muqdisho warmurtiyeed ayaa lagu soo saarey in dhaqankii hore wax laga bedelo iyo in dedaha Somalia aloo furi si ay u isticamalaan ayuu yiri Kheyre.
Dad u badan Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ayaa aad u dhaliilay heshiiskaas ay Muqdisho ku kala saxiixdeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya,iyada oo ay ka wada hadleen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha intaba.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaare Kheyre.