Maamulka Puntland ayaa markii ugu horreysay waxa uu ka hadlay Nin u dhashay Qowmiyada Oromada dalka Itoobiya ee dhawaan dad Shacab ah ay ku dhaawaceen Magalada Boosaaso ee Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland.
Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo ayaa sheegay in qof xun dadka Soomaaliyeed ay ku jiraan,isla markaana Ninkii u dhashay qowmiyada Oromada ee dhawaan la dhaawacay ay Puntland ay Dawo iyo Daryeel u fidin doonto.
Isaga oo sii hadlayey ayuu sheegay in Shacabka Puntland looga baahan yahay in aysan dhibaateen dadka u dhashay Oromada ee deegaanada Puntland ku nool,isla markaana la nabadgeliyo.
Qowmiyada Oromada iyo Soomaalida ayaa waxaa dagaalo ay ku dhexmarayaan deegaano ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,waxana caro ka dhalatay dhawaan Nin u dhashay Oromada lagu dhaawacay Magalada Boosaaso.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo.