Ururka ONLF ayaa bayaan uu soo saaray kaga hadlay dagaallo khasaare badan geystay oo qeybo ka mid ah Itoobiya ku dhexmaray maleeshiyo ka tirsan qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee daga Itoobiya.
Afhayeenka ONLF Cadaani Hirmooge ayaa sheegay in wixii ka dambeeyey 12-kii  jirtay weeraro dhowr jiho looga soo qaadayey Dadka Soomaalida ah ee ku nool deegaanada Mooyaale,Kili-guuleed iyo Soon Liibaan,weeraradaas oo uga imaanayey Qowmiyada Oromada.
Waxa uu sheegay in dadgaaladii ugu dambeeyye ee dhex marey Qowmiyada Oromada iyo Soomaalida ku nool dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay ku geeriyoodeen in ka badan 50 ruux.
Hayeeshee waxa uu sheegay in xilligaan aysan garaneyn waxyaabaha soo cusbooneysiiyey dagaaladaas oo uu sheegay in ay horey u wadi jireyn Kooxda KDF balse haatan ay baaritaan ku hayaan cidda ku lugta leh dagaaladaas.
Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka Ururka ONLF.