Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C abdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Eriteria ayaa kulan waxa uu la qaatay Mas’uuliyiinta ugu sareysa Jabhada ONLF,iyada oo kulankooda ay uga wada hadeen arimo dhowr ah.
Guddoomiyaha ONLF Maxamed Cumar Cusmaan ayaa sheegay in arrimaha ay isla soo qaadeen Madaxweynaha ay ka mid ahaayeen dhiibistii Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax oo uu sheegay in dhibaato badan ay ku abuurtay Ururkooda.
Waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu raali gelin ka siiyey dhiibistii Dowladda ee Qalbi-dhagax,isla markaana uu sheegay in ay ka xumaayeen in loo gacan geliyo Itoobiya.
Horay ayaa Golaha wasiirada Soomaaliya waxa ay Cabdi Kariin Qalbi-dhagax ugu wareejiyeen Bishii Agoosto Dowladda Itoobiya,iyaga oo Jabhada ONLF ku tilmaamay argagaxiso balse markii dambe uu siidaayey Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya Abiy Axmed.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha ONLF Maxamed Cumar Cusmaan