Duhurnimadii Maanta ayaa musharax Madaxweynaha Puntland Cabdi Samad Gallan waxaa loo diiday in taageerayaashiisa uu kula hadlo Barxada Magalada Garoowe.
Musharixiin farabadan ayaa Barxadaas horay taageerayashooda kula hadlay,iyaga oo qeyb ka ah ol olaha ay ka wadaan deegaanada Puntland si ay  ugu soo baxaan doorashada Madaxweynaha Puntland.
musharax Madaxweynaha Puntland Cabdi Samad Gallan ayaa sheegay in Madaxweyne Gaas uusan ka fileyn in markale uu kusoo qaldamo.
“Waa arrin cajiib ah oo layaab leh Cabduweli iyo Aniga waan is naqaanaa,Gallan iyo Gaas hadda iskuguma horeyso,Madaxweyne Gaas marbuu kugu qaldamay isma alheyn marlabaad ayuu kugu qaldamayaa ayuu yiri Musharax Gallan.
Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in qaladkii uu horay u galay uu ku saamaxay turid uu u turayo Shacabka puntland sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba horay ayaa musharixiin dhowr ah waxaa taageerayaashooda loo diiday inay kula hadlaan Barxada Wey nee Magalada Khardho,hayeeshee uu ka khudbeeyay hal musharax oo lagu Magacaabo Maxamuud Khaliif Xasan (Eng. Jebiye)
Dhageyso Codka Musharax Madaxweynaha Puntland Cabdi Samad Gallan.