Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo xafiiska xeer ilaalintu uu ku eedeysay in ay dhac u gaysteen mid ka mid ah xarumaha Shirkada Hormuud.
Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqay Xukunka ayaa sheegay in Askartaan oo kala ah C/kariin Muuse Muxudiin ,Aweys Faarax Maxamuud  iyo Maxamed Cali Maxamuud oo maqana ah in ay dhac hubaysan u geysteen Laanta Hormuud  ee Kaawa Godeey iyo Laanta Hormuud ee Garasbaaleey isla markaana ay ka qaateen Lacag Fara badan.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa sheegtay markii la dhagaystay Marak furka iyo cadaymihii la hor keenay in Askartaan ay galeen dembiga lagu soo eedeyay kuna Xukuntay in ay bixiyaan Lacagtii ay dhaceyn ka saarista Ciidamada xoogga dalka  iyo Min 5-sano oo Xabsi Ciidan ah.
Halkaan Ka Dhagayso Codka Gudoomiyaha Maxakamadda Darajada Koobaad Xasan Cali Nuur Shuute oo Ku Dhawaaqay Xukunka Maxakamadda.