Maxaabiis ku xiran xabsiga dhexe ee Hargeysa ayaa cuntadii ka soontay, waxaan ay ku doodayaan in wakhtigii lagu xukumay uu dhammaaday,isla markaana xabsiga lagu daahiyey.
Maxaabiistan oo tiradoodu tahay sagaal qof, ayaa sannadkii 2003 loo xiray falal la xiriira argagixiso, sida uu tilmaamay garyaqaanka u doodaya.
Maalintii labaad ayaa lagu soo waramayaa in ay ka sooman yihiin cuntada oo ay diideen,sida uu sheegay garyaqaanka u doodaya oo lagu Magacaabo Maxamed Axmed Abokor.waxana uu sheegay in xukuumaddii Daahir Riyaale Kaahin uu hoggaaminayey ay xukuntay.
Qaarkood ayuu sheegay in ay ku xukunaayeen 20 Sano,balse uu ka dhiman Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin,sidoo kalena xilligaas ay Hargeyso ka dhaceyn qaraxyo,intaasi ka dibna Madaxweyne Daahir Riyaale kala laabtay cafsikii xabsiga looga dhimay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Garyaqaanka u doodaya Maxaabiistaas ee Maxamed Axmed Abuukar.