Maalinta oo ah markii cadawgii umadda soomiyeed ay indha ku kala qaadeen Qaranimada dalkeena ayaa  Afar maalin uun kadib sidii 26 juun loo soo camiray fagaaraha daljirka dahsoon  oo saacado badan ay dadku ku sugayeen madaxweynaha qaran ka si ay u soo dhoweyaan waxaa sogaray mudanayaal uu hogaaminayay mudanaha dalka .
Ciidanka baambeyda ayaa salaam waxa ay u saamey madaxweynaha dalka oo shacabka kala qeyb qaatay maalintaan oo aheed 56 sano ka hor cadceed xurnimo oo u soo baxday umadda  somaliya oo xiligaas kadib dalkeena uu noqotay astaanta afrika .
Xasan sheikh maxamuud madaxweynaha dalka  waxa uu saacado ka sheekeyay todobaadkan qiimihiisa oo uu somalida sheegay in ay muhiimad gaar ah iska saaraan in ubadkooda baraan tariiqaha soojireenka ah ee jiritaanka wadanka si jiilasha soo korayo qalbiyadooda ay ugu beeranto dal jeceel.
Somaliya oo hada ka soo kabaneyso colaadihii ragaadiyay ayaa waxa uu madaxweynaha ku tilmaayay mid u dhaqaaqday dhabihii hormarka oo ay ku raadineyso in ay yeelato dowlad awood dhameys tiran leh oo dalka oo dhan hanato.
Madaxweynaha waxa uu sheegay in dadka oo dhan uu waajib ka saran yahay ilaalinta dalkooda balse iyaga uu saran yahay waajibaad intaas dheer oo xaga alle ah waxa uuna ka codsaday in ay dowladda ku garab siiyaan gudashada waajibaadkaas.
Dalkeenu waxa uu lahaa geesiyaal u dhabar adeega difaaca dalkooda oo necebaa shisheeyaha in uu dalkooda ku gumeysto iyo in dadka aduunkaba la gumeysto oo ay tusaalo u tahay sidii dowladii dhexe ay afrikaan badan ku caawisay in ay madaxbani helaan.
todobaadkaan ayaa waxaa bulshada ay isla dhex mareysay arin qilaafsan shareecada islaamka qatarna ku ah jiritaanka umada islaam ah balse madaxweye xasan sheikh ayaa gabagabadii hadalkiisa arintaas sheegay in aysan marnaba ka suurtoowin in ay sharci dalka uga dhigaan, waxa uuna sheegay in guddi arintaas soo cadeya soo magacaabay.
Goobaha ganacsiga iyo wadooyinka magaalada ayaa waxaa ka babanayay calanka oo ay ku weyneenayeen xuska maalintan qiimaha badan.