Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si kulul waxa uu uga hadlay  dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday deegaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.
Kadib markii uu Maanta dib ugu laabtay Jowhar ayuu sheegay in Maamulka Hir-Shabeelle uu heysto dhibaatooyin kala duwan,isla markaana aan loo baahneyn in xilligaan dadka walaalaha ah ee Reer Hir-Shabelle dagaal iyo qalalaaso laga dhex abuuro.
Dhinaca kale isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in dagaal beeleedyada xilligaan ka jira deegaano ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle ay hurinayaan,isla markaana ay taageero weyn ka geysanayaan Siyaasiyiin iyo Ganacsato.
“Runtii waxaa jira Siyaasiyiin iyo Ganacsato ku raaxeysanaya dagaal beeleedyada ka socda Hir-Shabeelle,waxaana leeyahay joojiya,Hirshabeelle weey jirtay waana ay jiri doontaa,dadka kale eek u howlan xalinta dagaaladana waan u mahad celinayaa ayuu yiri Madaxweyne Waare.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Hir-Shabeelle.