Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta oo Sabti ah waxa uu furay kal-fadhiga 41aad ee baarlamaanka Maamulkaas,kulankaas oo ahaa kii ugu dambeeyey sida uu qabo Dastuurka Maamulkaas.
Gudoomiyayaashasha gobolada puntland,maamulada degmooyin,Odayaashada dhaqanka xubno ka socday QM Iyo Inta badan xildhibaada deegaanadaMaamulkaas ayaa goobjoog ka ahaa kulanka.
Madaxweyne Gaas oo Khudbad dheer kajeediyay ayaa hadlay Waxqabadka Maamulkiisa xiisadaha Siyaasadeed ee ka jira waqtigaan deegaanada maamulka Puntland iyo Arrimo kale.
Madaxweyne gaas ayaa si kulul uga hadlay dagaalada ka jira Gobolka Sool ee u dhaxeeya Soomaaliland iyo Puntland,waxa  uuna sheegay in aysan aheyn meel Garoowe iyo Hargeysa ka dhaxeysa.
Isaga oo siiwata khudbadiisa ayuu sheegay in Puntland xilligaan ay wajaheyso dagaalo dhinacyo badan sida uu hadalka u dhigay.
“Walaalayaal waxaan ku jirnaa dagaal ka duwan dagaaladii hore,waa mid saameyn ku leh diinteena,dalkeena,jiritaankeena iyo dowladnimadena,waa dagaal dhaafahy anshaxa suuban ee soomalida lagu yaqaanay waa mid salka ku haya been iyo isir naceyb,Sool ma ahan meel la aqoon waayey cida iska leh,mana ahan mid inta shandad lagu qaatao ictiraaf lagu raadado ayuu yiri Madaxweyne Cabduweli Gaas.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Gaas uu kaga hadlay daagalka gobolka Sool.