Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa sheegay in manta la joogo xilligii la qadan lahaa Mabda’a dhabta ah ee Wadaniyada.
Isaga oo khudbad ka jeedniyey Munaasabad lagu xusayey 58-guuradii ka soo wareegtay markii ay Xurnimada ka qaateen Gobolada Waqooyi Gumeystihii Ingiriiska ayuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay muhiim tahay in ay ka Shaqeeyaan Wadaniyada oo ah mida kaliya ee uu dalkaan ku hormarayo.
“Maanta waxay taagan tahay in sidhab ah looga Shaqeeyo Wadaniyadda,waayo dalkan ayaa ku hormarayo,waxaa hubaal ah in Halsano iyo bar ka hor dalkan in aysan jirin cid ka hadleysay Wadaniyad,waayo dadku wey baqi jireyn ayuu yiri madaxweynaha.
Hadalka madaxweyne Farmaajo ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxa uu ahaa mid qabsaday Baraha Bulshada,isla markaana ay jawaabo kala duwan Shacabku ka bixinayeen.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Soomaaliya.