Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa farriin u direy Shacabka Soomaaliya ka dib dib u furistii Wadooyinka Waaweyn ee Magalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay maadaama laga qaaday culeyskii sababay xiranaanshaha wadooyinka in iyana dhankooda ay la Shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka si amniga loo xaqiijiyo.
Waxa uu sheegay Madaxweynaha in Shacabka ay yihiin kuwo muhiim u ah amniga,isla markaana laga doonayoin ay Ciidamada kusoo wargeliyaan hadii ay arkaan dad ama waxyaabo lidi ku ah amniga.
Shacabka Muqdisho qaarkood oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay sheegeen in ay aad u soo dhaweynayaan wadooyinka loo furey,waxana xusid mudan in shalay ilaa Maanta dadka Muqdisho iyo Gaadiidka intaba ay sicaadi ah u isticmaalayaan Wadooyinkii markii hore ka xirnaa.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Soomaaliya.