Maamulka Puntland ayaa faah faahin ka bixiyey dagaal xalay saqdhii dhexe bilaawday oo u dhaxeeyey Ciidamada Maamulada Puntland iyo Soomaaliland.
Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay  Magalada laas-caanood oo ay ciidamada Puntland weerareen,sida uu sheegay guddoomiyaha Gobolka Sool Puntland Abuubakar Cabdi Geele.
Guddoomiyaha waxa uu sidoo kale  sheegay in Ciidamada Puntland ay qabsadeen laba Saldhig oo fariisin u aheyd Ciidamada Soomaliland,isla markaana ay ka siidaayeen maxaabiis u xirneyd sida uu hadalka u dhigay.
Maamulka soomaliland dhankooda wax jawaab ah weli kama bixin hadalka ka soo yeeray Maamulka Puntland ee ku aadan in Puntland ay xoog kusii deysay dad u xirnaa Soomaaliland.
Hoos Ka Dhageyso Codka guddoomiyaha Gobolka Sool ee Puntland.