Taliska Booliska Gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen howlgal qorsheysan oo tuulooyin hoostaga degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ay ka fuliyeen.
Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed ee degmada Diinsoor Shiine Mayow Aadan ayaa sheegay in howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen deegaan 75km u jirta degmada Diinsoor ay kusoo furteen 11 ruux oo u xirnaa Al-Shabaab kuwaas oo qaarkood ku xukumeen in ay bixiyaan lacag ama qori AK47 sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay in howlgallada ay noqon doonaan kuwa si joogto ah ay u fuliyeen ilaa ay Al-Shabaab ka saaraan deegaanada ay maamulayaan,waxa uuna ugi baaqay ciidamada Koonfur Galbeed ay howlgalka sii laba jibaaraan.
Si kastaba hadalkaan kasoo baxay booliska Koonfur Galbeed weli dhankooda wax jawaab ah kama soo bixin.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha.
Cod Taliyaha Ciidanka booliska gaarka ah ee diinsoor Shiine Mayow Aadan