Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah kaas oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Dagaalkaas ayaa waxa uu ka dhacay tuulooyin hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan,waxaana la sheegay in uu u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed
Guddoomiyaha degmada Maxaas Maxamed Cabdi Cawaale ayaa sheegay in uu dagaalka ka dhacay deegaanka Dibi iyo Dacaar  oo 22km dhinaca Waqooyi ka xiga degmada Maxaas,isla markaana uu u dhaxeeye laba beelood oo xoolo dhaqato ah.
Dagaalka ayaa waxa uu sheegay inay ku dhinteen in ka badan 15 Â Ruux in ka badana ay ku dhaawacmeen,waxana uu sheegay in dhaawacyada la kala geeyay Magaalooyinka Guriceel iyo degmada Maxaas.
Dagaalka ka dhacay duleedka degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa h mid soo lab laabtay,waxana jirtay in dhawaan la bilaabay wadahadallo xal looga gaarayay,hayeeshee ay fashilmeen.
Dhageyso Codka Guddoomiyaha degmada Maxaas.