Ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo gaar ah ka sameeyeen Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.
Howlgalka oo intiisa badan ka dhacay xaafadaha Magalada dhuusamareeb ayaa waxaa sidoo kale lagu fiiqayay Gawaarida leh muraayadaha Madow,oo qaarkood ay wataan madaxda Galmudug.
Taliyaha Ciidamada Booliska Magalada Dhuusamareeb Galad Maxamuud Qeyliye ayaa sheegay in cid allaala cidii howlgalkaas ka hor-timaada laga qaadi doono tallaabo sharci ah.
Waxa uu sidoo kale uu sheegay in dadka ku nool Magalada dhuusamareeb laga doonayo in ay ogaadaan dadka guryaha laga kireynayo,isla markaana la soo ogeeysiiyo Maamulka degmada iyo taliska booliska Magaaladaas.
Magalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay ka mid tahay Magaalooyinka ugu amniga Wanaagsan dalka,waxana howlgalka uu kusoo aadayaa xilli dhawaan ay ku wajahan yihiin Madaxda ugu sareysa Galmudug iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya,.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidamada Booliska Magalada Dhuusamareeb.